Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

DAAWO: Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dib loo furay muddo 30 sano kaddib

Nairobi (Halqaran.com) – Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dib loo furay, kaasi oo aan lagu shaqeyn muddo 30 sano ah.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Axmed Ciise Cawad ayaa xariga ka jaray dhismaha safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya.

Waxaana ka soo qeybgalay munaasabadda xarig ka jarka, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Safiirrada 10 Dal oo magaalada Nairobi xaruntoodu tahay & Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Amb.Trasan ayaa xusay in dib u dhiska guriga safaaradda ay ku baxday lacag ka badan 310-kun oo Dollar, taas oo ay dawladdu ay bixisay 200 oo kun oo dollar, halka in ka badan 110 kun oo dollar-na ay bixiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Isagoona u mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya sida ay dadaalka ugu bixiyeen kor u qaadista magaca iyo dawladnimada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda ee DF Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in dib u dhiska guriga safaaradda ay tahay calaamad muujinaysa dib u kabashada Soomaaliya.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Xarig ka jarka Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...