Saturday, May 16, 2026
31.9 C
Mogadishu

Tiro badan oo Tahriibayaal ah oo ku dhintay Xeebaha Liibiya

Liibiya (Halqaran.com) – Inta la xaqiijiyay 74 tahriibayaal ah ayaa dhintay kadib markii doontii ay la socdeen oo cilad ku timid ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan 47 qof oo la socday doonta qalibantay.

Liibiya ayaa ah inta badan marinka tahriibayaasha ka soo carary dalal badan oo Afrika u badan kuwaas doonaya inay gaaraan waddamada qaaradda Yurub, waxaana dadkaasi ay badda Mediterranean-ka kala kulmaan dhibaatooyin badan.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 900 oo qof ay doomo kula dageen sanadkan, iyadoo 11,000 oo kale lagu celiyay Liibya, halkaas oo ay sheegtay inay kala kulmaan xarig iyo xadgudubyo kale.

Isla toddobaadkan gudihiis ilaa iyo Shan tahriibayaal ah ayaa dhintay halka 100 kalena la badbaadiyay, kadib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay xeebaha dalka Liibiya meel aan ka fogeyn Jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...