Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Wasiirka Haweenka ee DFS Xaniifo Xaabsade oo K/ Galbeed kala hadashay qoondada siyaasadda Dumarka +(SAWIRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Ku-simaha madaxweynaha Koofur Galbeed, ahna afhayeenka Baarlamaanka KG, mudane Cali Saciid Fiqi ayaa Jimcihii maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Wasiirka Haweenka ee DF Soomaaliya Xaniifo Xaabsade iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa kawada hadlay sida ugu habboon ee lagu xaqiijinkaro qoodada siyaasadda ee Dumarka oo ah 30%.

Wasiir Xafiino oo booqaasho ku joogta magaalada Baydhabo ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed la wadaagtay in ujeedka ay halkaasi u tageen ay tahay ilaalinta kuraasta dumarka ay ku leeyihiin golayaasha dowladda.

Sidoo kale, Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya ayaa xustay, in ay aaminsan tahay in maadaama haweenku, tiro aad u badan ka yihiin bulshada Soomaaliyeed, inay waajib tahay in door ku yeeshaan golaha Baarlamaannada dalka.

Waxay carabka ku adkeysay, sida laga maarmaan u tahay in haweenku yihiin dadka uu sida weyn u saameeyo shuruucda dalka loo soo saaro inay door muhiim ah ka cayaaraan dejinta sharciyada dalka.

Wasiir Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaaa ayaa sheegtay in maamulka Koonfur Galbeed ku amaanan yahay sida uu u qiimeeyay haweenka oo si weyn uga dhex muuqda golayaashooda, marka loo barbar dhigo maamullada dhiggooda ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, Cali Saciid Fiqi,  ayaa soo dhoweeyay wafdiga wasiirka haweenka, isagoo xusay in Koofur Galbeed markii horeba ay hormuud u aheyd u ololeynta horumarinta haweenka Soomaaliyeed agaar ahaan dhanka siyaasadda.

Cali Saciid Fiqi,  ayaa xusay, in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuq siyaasadeedka dumarka Soomaaliyeed sidii horeyba caanka ugu ahaayeen.

Ugu dambeyn, Wafdiga wasiirka haweenka ee DF Soomaaliya ee magaalada Baydhabo gaaray ayaa waxaa kamid ahaa xildhibaan Canab Xasan Cilmi iyo Xildhibaan Aamina Xasan Cali oo ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...