Saturday, May 16, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweyne kumeel gaar ah oo loo magacaabay Ismaamulka Tigreyga

Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’siiul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa madaxweyne Kumeel gaar ah u magacaabay Ismaamulka Tigreyga ee waqooyiga dalkaas.

Madaxweynaha cusub oo lagu magacaabo, Dr. Mulu Nega, ayaa soo dhisaya xukuumad kumeel gaar ah.

Baarlamanka Itoobiya ayaa dhawaan qaraar ku kala diray Ismaamulka Tigreyga, markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Xildhibaannada ka tirsan Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 39 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigreyga, kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Waxaana kamid ahaa madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha Tigrey, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...