Friday, July 10, 2026
25.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo xil ka qaadis & magacaabis sameeyay

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xil ka qaadis iyo Magacaabis ku sameeyey laba masuul.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa u dhigneyd sidatan:

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Cumar Abokor Jaamac;

Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland

Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka  Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha  Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...