Mudug (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya, in maleeshiyaad hubeysay ay xalay ku dileen deegaanka Saaxo labo qof oo dadka deegaanka ah. Waxaana jirta xiisad dilkaasi la xiriirta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in dadka la dilay ay ahaayeen xoolo dhaqato, islamarkaana dilkooda loo aaneynayo inay ka dambeyso aanooyin qabiil.
Deegaanka Saaxo oo maalmahan ay ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysay laba beelood ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwo dowladda gaar ahaan kuwa xalisinta gobolka Mudug oo ah cutub isku dhaf ah oo horey loogu diyaariyay maareynta xiisadaha beelaha.
Sidoo kale, waxaa la filayaa inay halkaasi gaaraan halka uu dilka ka dhacay, mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Mudug, si xal looga gaaro xiisada ka dhalatay dilka dadkaasi xoolo dhaqatada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





