Saturday, May 30, 2026
28 C
Mogadishu

Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda ‘Beyle’ oo ka qeybgalay Shirka sanadlaha ee Bangiga Adduunka

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka oo looga hadlayay isbadalka dhaqaalaha iyo saameynta COVID-19.

Wasiir Beyle ayaa xusay in madaxda shirka uu la wadaagay isbadalka maaliyadeed ee dalka iyo saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha caalamka gaar ahaan Soomaaliya.

“Waxa aan ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya oo aan uga hadalnay isbadalka Maaliyadda, Dhameystirka qorshayaasha lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo saameynta Coronavirus ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hadalkii ku daray, “Waxa aan u mahadcelinayaa Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Hafez Ghanem oo shirka nagala soo  qeybgalay iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...