Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaal maanta ka dhacay Gobolka Hiiraan & Khasaarihii ka dhashay

Hiiraan (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay oo Jimcihii maanta ka dahcay deegaanka Buurweyn ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wuxuuna dagaalkan yimid, kaddib markii Ururka Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan DF Soomaaliya oo ka yimid dhinaca degmada Buulo-burde.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen ilaa iyo Afar Askari oo ka tirsan Ciidamadii la weeraray, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkan ayaa la geeyay goobaha caafimaadka ee ku yaalla degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Geesta kale, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay Al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen, sidoo kalena ay la wareegeen deegaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...