Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh oo ka digay in la fashiliyo heshiiskii doorashada..

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay u diyaar garoobeen doorashooyinka dadban ee dalka laga qabanayo, taas oo ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaasha Siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin baqdin ay ka qabaan ka qeyb-galka doorashaooyinka, isaga oo ka jawaabayay Warar soo baxayay oo sheegay in markii lagu dhawaaqay in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso ay Siyaasiyiinta mucaaradka walwal ka muujiyeen ka qeyb-galka doorashada una diyaarsaneyn.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in doorashada lagu heshiiyay mid ka weyn ay dhankooda u diyaar garoobeen, isaga oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Hadalkan ayuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay wareysi uu siiyay Telefeshinka SaabTV, isagoona xusay, in magacaabis la’aanta Golaha Wasiirrada aysan saameyn ku yeelaneyn doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...