Tuesday, May 12, 2026
27.6 C
Mogadishu

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ‘Karaash’ oo dib ugu noqday Garoowe +(SAWIRRO)

Garoowe (Halqaran.com) – Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho ka laabtay ayaa galabta lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland Karaash waxaa soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Xubno isugu jira labada Gole ee maamulka iyo Saraakiisha Madaxtooyada.

Mudane Karaash ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay Aaskii Qaran ee loo sameeyay Ra’iisal wasaarihii hore Allaha U Naxariistee, Prof. Cali Khaliif Galayr oo Khamiistii ku geeriyooday magaalada jig-jiga ee dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...