Beledweyne (Halqaran.com) – Ciidanka booliska Magaalada Beledweyne ayaa gacanta ku soo dhigay dhalooyin Khamri ah oo gaaraya 197 oo lagu qariyay qalab ganacsi, islamarkaana loo soo waday Magaalada Muqdisho.
Laamaha amniga ayaa Khamrigaan ku gubay goob fagaaro ah oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta gobolka oo ay ugu horreeyaan maayarka magaalada, guddoomiyaha maxkamadda gobolka, taliyaha saldhigga boliiska Beledweyne iyo taliyaha qeybta boliiska gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Cabdiraxiin Taakoy iyo Maayarka magaalada ayaa boggaadiyay shaqada ay qabteen ciidanka booliska magaalada Beledweyne.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in maxkamadda loo gudbin doono eedeysanayaashi lagu soo qabtay maandooriyahaan halista ku ah bulshada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





