Tuesday, May 26, 2026
26.2 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Mareykanka oo soo saaray Sharci Cusub oo saameyn doona soo-galootiga, Soomaalidana ay ku jirto!

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale toddobaadkan ku dhawaaqay sharci cusub oo si weyn u saameyn doona dadka soo-galootiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto, kuwaasi oo jooga dalka Mareykanka.

Maamulka Trump, ayaa sheegay, in sharcigan cusub oo si gaar ah u taabanaya dadka soo-galootiga ah, gaar ahaan dadka aan aqoonin luuqadda Ingiriiska iyo kuwa kaalmada (Ceyrta) ka qaata dowladda Mareykanka.

Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sharcigan cusub iyo saameyta uu Soomaalida Mareykanka ku yeelan doonta ka wareysatay, Aadan Bataar oo madax ka ah hay’adda socdaalka iyo dib u dejinta qaxootiga ee gobolka Utah, taasoo u adeegta dhammaan dadka soo galaya dalka Mareykanka ee doonaya inay sharci ka helaan dalkaasi.

Haddaba Hoos ka dhageyso wareysigan muhiimka ah:

Xafiiska Halqaran.com, London
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...