Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ka soo baxaya qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo Khamiistii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo aad looga malqay degmooyinka gonbolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya, in qaraxan uu ahaa Haweeney isku so xirtay waxyaabaha qarxa, isla markaana isku qarxisay Ciidamo ka tirsan NISA qeybta loo yaqaano ilaalada shacabka, xilli ay ku sugnaayeen meel u dhow Isgoyska Black Sea ee degmada Howl-Wadaag.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay xaqiijiyeen dhimashada qaraxaasi laba Ruux oo kala ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka NISA oo magaciisa lagu soo koobay Caana-Geel iyo haweeneyda is qarxisay iyo dhaawacyada ilaa Sddex Ruux, kuwaas oo loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho.
Ciidamo Boolis ah ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo muddo saacad ka badan hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, walow markii dambe ay dib u fureen.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Nabad-sugida Soomaaliya, islamarkaana dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada iyo laba kamid ah ilaaladiisa.
Si kastaba, qaraxyada ismiidaaminta ah ee loo adeegsado qof isku soo xiray Jaakad qarax ah ayaa ku soo batay magaalada Muqdisho, tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay gebi ahaan dhagxaan waawyen ay ku jirtay waddooyinka jid-cadayaasha ah oo ay Gaadiidka mari jireen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





