Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka socda kulamo looga hadlayo arrimaha dhammeystirka doorashooyinka, kaasi oo u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Warar ayaa sheegaya, in kulanka Madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen in la dhiso ilaa Saddex Guddi oo ka Shaqeynaya doorashada Baarlamaanka, kuwaas oo kala ah, Guddiga doorashada ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta khilaafkaadka.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxda ay isku raaceen waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal.
Waxaana doorashada ugu horreysa ay noqoneysaa tan Aqalka sare, iyaga oo doorashooyinka ay dhici doonaan dhamaadka bishan October illaa horaanta Bisha November ee isla sanadkaan 2020.
Kulamada looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka ayaa waxaa ay noqon doonaan kuwa joogta ah, iyada oo sidoo kale ay dhici doonaan shirar wadatashi ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





