Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

Duqeyn ka dhacday deegaanno ka tirsan gobolka Gedo & Wararkii ugu..

Gedo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya deegaanno hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ay halkaasi ka fuliyeen duqeymo diyaaradeed.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha ay duqeynta ka fuliyeen deegaannada kala ah, Cowsqurun Garsaal. Xisaguur. Dhamas. Likooley oo dhammaantood hoostaga degmada Ceelwaaq.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in deegaannada ay Diyaaradaha Kenya duqeeyeen ay ku sugnaayeen dad Xoolo dhaqato ah, waxaana dqueyntaasi ay sababtay dhimashada Geel farabadan oo ay lahaayeen dadka Xoolaleyda ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa ku soo warramaya in weli aan la sheegin khasaaro duqeynta diyaaradaha Kenya ee Gobolka Gedo, kasoo gaaray dad rayid ah, islamarkaana xaalada ay tahay mid degan.

Dhinaca kale, Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada Kenya ay isugu yeereen Odayaasha iyo Maamulka Ceelwaaq, islamarkaana ay kala hadlayaan kacdoonkii ka dhashay dilal ay dad Shacab u geysteen Ciidamada Kenya.

Ma jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo dowladda Kenya oo ku aadan duqeyntaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...