Minneapolis (Halqaran.com) – Allah u naxariistee, waxaa xalay isbitaal ku yaala magaalada Miniapples ee dalka Mareykanku ku geeriyooday, rug caddaa saxaafadeed Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo muddo aad u dheer ku soo jirey mihnidda warbaahinta, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa.
Weriye Cilmi Maxamed Waare, oo ku sugan Mareykanka isla markaana ay asxaab ahaayeen saxafiga ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in uu xalay geeriyooday Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo muddo labo bilood ah ku jirey isbitaal.
Waxaa uu intaas ku daray in Cabdiqaadir Maxamed Mursal oo haleeley cudurka safmarka ah ee COVID-19, hase yeeshee uu ka bogsooday, balse dhakhaatiirta ayaa sheegay in xanuunkaas uu waxyeeleeyay sanbabada taasna uu hadda u geeriyooday, Allah u naxariistee.
Marxuum Cabdulqaadir Mursal, ayaa waxaa uu kamid ahaa weriyeyaashii ka howlgali jirey Radio Muqdisho todobaataneeyadii, tan iyo waagaas waxaa uu ka tirsanaa bahda saxaafadda oo khibradiisa ugu faa’ideyn jirey wariyeyaasha da’da yar.
Wuxuu muddo ku noolaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu ka ahaa agaasimaha Idaacadda Ergo oo horey loo oran jirey Irin oo arrimaha bani aadanimada ka shaqeysa, sidoo kale waxaa uu ahaa tababare saxaafadeed.
Allaha u naxariisto Cabdulqaadir Maxamed Mursal wuxuu ka tegay labo xaas iyo 11 carruur ah, kuwaas oo haatan ku nool dalka Mareykanka.
Taariikhdiisii waxbarasho
Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Mursal wuxuu sanadkii 1953-dii ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu inta badan waxbarashadiisii iyo noloshiisa ku soo qaatay.
Waxbarashadiisii hoose ilaa sare wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho sanadihii 1959-1972, isagoo ka baxay dugsigii sare ee Allaahida.
Sanadkii 1975 waxaa tababar saxaafadeed loogu diray dalka Ruushka.
Sidoo kale wuxuu kuliyadda luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho dhammeeyay sanadkii 988, isaga oo si wanaagsan ugu hadli jiray afafka Carabiga, Talyaaniga, iyo Ingiriiska.
Ugu dambeyn, Weriye Cilmi Waare, ayaa sheegay in tan iyo 2014 uu Mareykanka ku noolaa halkaas oo ay degan yihiin qoyskiisa, sidoo kale Allah u naxariistee Cabdulqaadir inta uu Mareykanka joogay waxaa uu Idaacad Af-Soomaali ku hadasha ka aas-aasay magaalada Miniapples oo ilaa iyo hadda shaqeysa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com