Thursday, May 14, 2026
27.5 C
Mogadishu

R/Wasaare ‘Rooble’ oo qorshayaal cusub hor-dhigay Taliyeyaasha Ciidamada iyo Laamaha Amniga

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga G/banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagixisada.

Mr. Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda.

“Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii laba-laabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan deddaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.” Ayuu yiri RW Rooble.

Kulanka oo ay ka qayb galeen sii-hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey dhankooda sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku aadan amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...