Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

Amiirkii dalka Kuwait ‘Sheikh Sabah Al Ahmad’ oo geeriyooday

Kuwait (Halqaran.com) – Amiirka dalka Kuwait ee muddada dheer xukumayey dalkaasi, Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah, ayaa Talaadadii maanta geeriyooday, wuxuuna jiray 91 sano, sida uu baahisay taleefishinka dowladda.

Sheikh Sabah ayaa waxaa laguu xusuusan doonaa diblomaasiyaddiisa siyaasadda Bariga Dhexe ee uu isku dayey inuu ku xaliyo khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo dowladdo kale oo Carbeed, oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka.

“Ayada oo murugo weyn ay tahay, waxaan la tiraanyooneynaa dhimashada Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, amiirkii dalka Kuwait,” waxaa sidaas yiri Sheikh Ali Jarrah Al-Sabah, oo ah wasiirka arrimaha boqortooyada, oo la hadlay taleefishinka dowladda.

Amiirka dalka Kuwait ayaa waxaa lagu wadaa inuu beddelo walaakiis, ahna dhaxal-sugaha Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah.

Sheikh Sabah ayaa ahaa 91 sano ah jir. Waxaa la keenay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota bishii July kadib markii mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen inuu xanunsanayo.

Amiirka dalka Kuwait ka hor ita uusan noqonin Amiirka ayaa waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi muddo ka badan 40 sano.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...