Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed oo heshiis ku gaaray magaalada Baydhabo +(SAWIRRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Saciid Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu ku sugnaa magaalada Baydhabo, waxaana uu kulamo kala duwan la qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hadal jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulshada iyo dowlad dhiska, Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowlad iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...