Baarlamaanka Soomaaliya oo berri la horgeynayo Heshiiska siyaasadeed ee Doorashada

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Sabtida berri ah  26 September ay yeeshaan kulan wadajir ah.

Guddoonka labada Aqal ee BF Soomaaliya ayaa shaaciyay in Ajandaha Kulanka Beri uu yahay u codeynta heshiiska siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Xildhibaanada BFS ee 2020/21

Xildhibaannada Golaha shacabka iyo Aqalka sare ayaa la gaarsiiyay farriin looga dalbanayo in kulanka Beri ay kasoo qeyb galan, si ay uga doodaan heshiiskan siyaasadeed.

Warar ayaa sheegaya in kulanka berri ay goobjoog ka noqon doona Madaxda Dowladda Federaalk aiyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale, waxaa jira Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo heshiiska doorashada oo ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si cad uga soo horjeeda, balse inta badan Xildhibaannada Aqalka sare ay taageersan yihiin heshiiskan.

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa deddaal badan u galay in la ansixiyo heshiiska doorashooyinka, iyaga oo kulamo gooni gooni ah la qaatay Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto deegaannadooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com