Sunday, May 10, 2026
27.6 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo meel fagaaro ah ku toogtay nin lagu eedeeyay Sixiroolnimo

Jilib (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe ku toogtay nin lagu eedeeyay inuu ahaa Sixiroole muddo sanado ahna ku shaqeynsayay.

Maxkamadda Gobolada Jubbooyinka ee Ururka Al-Shabaab ayaa xukun dil ahi ku xukuntay Axmed Kuusane Xasan, ka dib markii ay sheegtay inuu ku shaqeysan jiray sixirka.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa qoreysa in ninkaasi laga soo qabtay tuulo hoostagta deegaanka Jooraha ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaadiga Maxkamadda ayaa fagaaraha uu dilku ka dhacay ka sheegay in ninkaasi uu caan ku ahaa inuu sixir ku kala geeyo lamaanaha is qaba, isla-markaana uu dhib weyn u gaystay qoysas badan oo aroos ahaa.

Wuxuu kaloo sheegay, in Axmed Kuusane Xasan uu dhib weyn ku haayay bulshada ku dhaqan tuulada Garasey Kuusa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ururka Al-Shabaab ayaa weli deegaannada ay ka taliyaan ka fuliya xukunada dilka ee ay ku fulinayaan dadka ay eedeymaha kala duwan u jeediyaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...