Sunday, March 15, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee Puntland ‘Cabdiweli Gaas’ oo laba arrin ka codsaday R/Wasaaraha Cusub Rooble

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa talooyin u soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo shalay Golaha Shacabka ay ansixiyeen.

Dr. Gaas ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha cusub inuusan soo dhisin Gole Wasiirro cusub, maadaama waqtiga haray uu yahay mid aad u kooban.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa sababta ku sheegay in wasiirada hadda jooga inay sii qaban karaan shaqada, maadaama waqti badan aan laheyn, sidaasi awgeedna Wasiirro cusub waqtiga aanan la isaga lumin.

“Wasiirada hadda jooga inay shaqada sii wadaan ayaa haboon, maadaama waqti uusan harin.” Ayuu yiri Cabdiwali Gaas oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

“Doorashadu waa Shaqo adag oo siyaasadeed laakin ra’iisul Wasaaraha waxaa u taalla Shaqadii Xukuumadda, sida arrimaha amniga, Dhaqaalaha, doorashooyinka, waxaana ugu baaqayaa in uusan noqon nin damac kale leh ee waa in uu Madaxweynihiisa iyo dalkaba daacad u noqdaa‘‘ ayuu yiri markale Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Gaas.

Si kasta ha’ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa 17kii bishan loo magacaabay xilkan, shalay ayaana la ansixiyay waxaa isha lagu haayaa Golaha Wasiirrada cusub ee uu soo dhisi doono nooca ay noqon doonaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...