Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Gabar 5 sano jir ah oo lagu kufsaday magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho xalay lagu kufsaday gabar 5 sano jir ah, kaddib markii uu fara xumeeyay nin ay isku xaafad ahaayeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka

Gabadha yar ee la kufsaday oo baaritaan caafimaad loo geeyay Isbitaal Digfeer ayaa waxaa halkaasi lagu xaqiijiyay in la kufsaday, iyadoona ay taasi ka careysiisay dadka deegaanka.

Samiira Yuusuf Maxamed oo ah gabadha la kufsaday ayaa haataan xaaladeeda caafimaad lagula tacaalaya Isbitaalka Madiina, sida ay eheladeeda xaqiijiyeen.

Ehelada Samiira Yuusuf ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday in la soo qabto dembiilaha, sharcigana la horkeeno, si cadaaladda loogu qaado.

Si kastaba ha’ahaatee, Falkan Kufsiga ah ayaa markale dareen argagax leh ku abuurtay bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, iyadoo 11-kii bishan la sheegay in magaalada lagu kufsaday, laguna dilay gabar 19 jir ahayd oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...