Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka Federaalka oo ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kaalinta kaga aaddan Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dawlad Goboleedyada.
Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku sheegay in heshiiskaas uu Soomaaliya ka badbaadiyay dhibaato kusoo wajahneyd oo kaga imaaneysay dhinac walba, islamarkaana ay soo dhaweeynayaan sidoo kalena ay ku baaqayaan in la fuliyo qodobadii ku qornaa heshiiska.
“Heshiiska Doorashada waa heshiis badbaadiyay dhibaato Soomaaliya ku soo wajahneed xiliga kala guurka, waana soo dhaweyneynaa, waxaan u mahadcelinayaa dadka ka shaqeeyay, waxaana ku baaqeeynaa in la dhaqan geliyo‘‘ ayuu yiri Siyaasi CCWarsame.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uusan hal tallaabo u qaadin arrimaha doorashooyinka dalka inta uu xilka haayay, islamarkaana taasi ay muuineyso in uusan diyaar u aheyn doorasho la qabto.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CCWarsame ayaa hadalkiisa ku soo beegmaya, waqti dalka uu ku jiro xilli kala guur ah, islamarkaana la isku diyaarinayo doorasho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





