Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Xilliga R/Wasaaraha magacaaban uu hortagayo Golaha Shacabka oo la Shaaciyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya,  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in Maalinta berri oo Isniin ah la horgeeyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya si ay kalsoonida u siiyaan ama u diidaan.

Mr. Rooble ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka iyo qaar kamid ah Xildhibaannada, isaga oo kala hadlay sidii ay codka kalsoonida u siiyaan lahaayeen.

Markii ugu horreysay tan iyo markii la Magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaraha cusub warbaahinta ka soo muuqday, isaga oo Xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan.

Haddii la ansixiyo Ra’iisul Wasaaraha cusub, wuxuu si deg-deg u soo dhisi doonaa Xukuumad cusub oo badi xubnaheeda Wasiirada ay diyaarsan yihiin.

Sidoo kale, waxaana jira Xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabka oo deddaal xooggan ugu jira inay ka mid noqdaan Xukuumadda Cusub, waa haddii la ansixiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...