Friday, June 5, 2026
26.6 C
Mogadishu

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Somaliya ‘Rooble’ oo codsi deg-deg ah u diray Golaha Shacabka +(VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu aqbalay xilka uu u magacaabay Madaxweynaha JF Somaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa farxad ii ah in aan idin la wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale codka kalsoonida weydiistay golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka rajeeyay in ay siin doonaan si uu u guto waajibaadka iyo mas’uuliyadda saaran.

“Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...