Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Xubno ka mid ah Al-Shabaab oo la sheegay inay u gudbeen dhanka Somaliland

Garoowe (Halqaran.com) – Laamaha amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee ku sugan buuraleyda Galgala ay todobaadkii hore u gudbeen dhinaca Somaliland, sida sheegeen ilo ka tirsan laamaha amniga Puntland.

Lamaanaha Ammaanka Puntland ayaa laga soo xigtay in xubnaha gudbay ay ku jiraan saraakiil, balse aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin.

Somaliland ayaa todobaadkii la soo dhaafay adkeysay Ammaanka Magaalooyinka waa weyn.

Dadka ku nool Magaalooyinkaasi ayaa sheegaya in baaritaanada ay yihiin kuwo aan horay looga baran Ciidanka, islamarkaana heegan buuxa la galiyay oo sidoo kale ay jiraan waddooyin ay xireen.

Waxaa adag in xog sugan laga helo ujeedka xubnaha Al-Shabaab iyo halka ay u socdeen, marka laga reebo wararka xaqiijinaya in ay galeen dhinaca Somaliland.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya, waxaana sanadyadii lasoo dhaafay ka jirtay xasilooni dhanka nabadgaliyadda ah oo la isku haleyn karo.


Wararka kale ee Maanta oo Xiiso Leh 


Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeybgalay aaska marxuum Shaafi Raabi +(SAWIRRO)

Axmed Madoobe oo amray laamaha Amniga baaritaan deg-deg ah qaraxii Kismaayo

XOG: Maxaa ka jira in M/weyne Farmaajo iyo Qoorqoor ay ciyaarayaan qorshe cusub?

Update: Al-Shabaab oo Khasaaro dhimasho & dhaawac ka soo gaaray qarax ay ku aasayeen…

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Madaxda Koonfur Galbeed & Puntland?

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...