Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxtooyada Somaliya oo War ka soo saartay kulankii M/weyne Farmaajo & madaxda dowlad goboleedyada +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha JF Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Khamiista maanta kulan qado sharaf ah u sameeyey Madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulankan qado sharafeedka ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay  Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Islaan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Kulankan ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Dhuusamareeb3 oo furmi doona 12-ka bishan oo ah maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Shirka rasmiga ah ee madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo lagu waday inuu Khamiista maanta ka furmo magaalad Muqdisho ayaa baaqday, iyada oo ay jirto in khilaafkii DF Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee gobolka Gedo oo aan weli la xalin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...