Mudug (Halqaran.com) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliya qeybta 21-aad ayaa gaaray Deegaanka Shabeelow Ee Gobolka Mudug, halkaas oo dhawaan dadka deegaanku kula dagaalameen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya, in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka Shabeelow, kaddib markii ciidamo ka ambabaxay deegaanka Dhagaxleey oo qiyaastii 20 km u jirta Shabeelow.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka ee la dagaalamay Al-Shabaab ay deegaanka Shabeelow ka wadaan howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayo.
Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in ay howlgalka ay sii wadi doonaan ilaa deegaannada Galmudug ay ka saaraan Ururka Al-Shabaab.
Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa siyaabo kala duwan ugu dagaalamay deegaanka Shabeelow ee Gobolka Mudug, kadib markii Al-Shabaab ay deegaankaasi weerareen, waxaana dagaalkii ka dhacay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





