Friday, May 15, 2026
31.9 C
Mogadishu

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Deg. Xamar Jajab

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Xamar Jajab, kadib markii dhawaan Guddoomiyaha beeshii loo magacaabay ay diiday xilkaasi.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Dr Maxamed Cabdi Axmed Xeyle.

Dr Xeyle ayaa isla maanta la wareegay xilka guddoomiyaha degmada Xamar Jajab.

Duqa Muqdisho Cumar filish iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdulaahi (Tuulax) ayaa ka qeyb galay Munasabad uu xil kula Wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab Dr Maxamed Cabdi Axmed Xeyle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...