Sunday, May 10, 2026
28.1 C
Mogadishu

Sii-hayaha RW oo guddoomiyay Shir looga hadlayay soo saarista Shidaalka Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka waxaa ka qaybgalay sii-hayaha wasiirka batroolka iyo macdanta DF Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed, sii hayaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, sii hayaha wasiirka cadaaladda, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorshaynta, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Badroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa looga hadlay xoojinta ahmiyadda ay dawladda Soomaaliya siinayso ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, iyo sidii tallaabooyin horukac leh looga samayn lahaa arrinkan horraanta sanadka 2021-da.

Sii-hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inay xukuumaddu ka shaqaynayso khayraadka dabiiciga ah ee dalka oo laga faa’iidaysto, iyadoo loo marayo hab faa’iido u leh dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.

Si kastaba, sharciga batroolka dalka oo taaba gal noqday billowgii sanadkaan ayaa wasaaradda batroolka iyo macdanta fursad u siiyey inay qaado tallaabooyin muhiim ah oo ku aaddan in la xoojiyo sahanka shidaalka badda ku jira.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...