Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jabuuti ‘Geelle’ oo kula kulmay madaxweynaha Galmudug Qoorqoor

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo Arbacadii shalay gaaray Jabuuti.

Kulankaan ayay madaxda uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor waxaa ku wehliyay shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha, gaadiidka iyo masuuliyiin kale.

Dhinaca kale, waxaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Arbacadii shalay gaaray dalka Djabuuti, halkaasi oo uu tagay arimo la xariira dhismaha dekedda Hobyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...