Friday, June 19, 2026
25.6 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug oo daahfuray mashruuca Biyoole +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Sabtidii maanta daahfuray mashruuca biyoole oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Galmudug kaasi oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasaaradaha mashruucani uu quseeyo ayaa waxaa ugu horrayn ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Galmudug mudane Cabdinaasir Geele Cilmi.

Wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyey Mashruucaan oo uu xusay in uu socan doono muddo shan sano ah, ayna ka faa’iidaysan doonaan dadka u badan beeralayda iyo xoola dhaqatada.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe) ayaa tilmaamay in mashruucani yahay mid tijaabo ah, loona baahanyahay in laga Faa’iidaysto.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor oo mashruucaan si rasmi ah u daahfuray ayaa sheegay in uu yahay mid aad loogu baahnaa marka loo eego deegaannada Galmudug dhanka Biyaha.

Qoorqoor ayaa u mahadceliyey cid waliba oo kaalin ku leh mashruuca Biyoole.

Ugu dambeyn, Xoola dhaqatada iyo beeralayda deegaannada Galmudug ayaa ka faa’iidaysanaya mashruucan haddii uu noqdo mid mira dhala, waxaana Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug oo kaashanayso Wasaarado kale ay ku dadaalaysaa sidii howshaan loo horumarin lahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...