Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CCWarsame oo loogu soo dhaweeyay Garoowe

Garoowe (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, ayaa sheegaya, in uu halkaasi gaaray hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Waxaana soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Cabdi ladiif Muuse Sanyare, Xildhibaan Fu’aad Abshir iyo Guddoomiyaha ururka Haweenka Mudug Shukri Cabdi Cali.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay ka soo ambabaxeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadoo halkaasi horay uu ugala soo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb, waxaa uuna halkaasi kulamo kula qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...