Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta la kulmay guddiga doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Talaadada maanta ah qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddida Komishanka doorashooyinka waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka.

Sidoo kale, Guddiga ayaa xusay in ay u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa bogaadiyey deddaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka.

Mr. Biixi ayaa ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland iyo guddiga doorashooyinka ayaa kulankaasi isla meel dhigay, in siwada jir loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...