Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa Talaadada maanta ah oo kormeer ku tegay Xabsiga Dhexe ee Dalka.
Mr. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kormeerkii uu ku tegay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ugu kuur galayay xaalada guud ee xabsiga.
Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, markii uu gaaray xabsiga dhexe waxa uu salaan sharaf ka qaatay ciidamada oo goobta loogu diyaariyay.
Sidoo kale, waxaa goobta ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Sii-hayaha ra’isul wasaaraha dalka ayaa warbixin ka dhageystay taliska Asluubta. waxuu taliska asluubta kula dardaarmay dardargelinta qorshaha adkeynta amniga, xanaaneynta iyo horumarinta nolosha maxaabiista si loogu diyaariyo mustaqbal ifaya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com











