Monday, May 11, 2026
27.9 C
Mogadishu

Xasan Sheekh oo caddeeyay in aysan ‘wax siyaasad ah’ kawada hadlin Fahad Yaasiin

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka warbixiyay kulan uu xalay magaalada Muqdisho kula yeeshay taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Mr. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xasan Sheekh ayaa si cad u sheegay in kulankaasi uusan Siyaasad ku saabsaneyn, islamarkaana ay ka wada hadleen arrimo ka baxsan Siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in taliyaha uu soo booqday, maadaama uu yahay Oday Soomaaliyed oo horay dalka u soo maamulay.

“Kulankii aniga iyo Fahad Yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed.” ayuu ku yiri Xasan Sheekh qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sidoo kale Xasan Sheeekh ayaa yiri, “Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah. Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xushmeynaa mar kasta”

Kulanka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin ayaa ku soo beegmaya, xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, iyadoona bulshada qeybaheeda kala duwan ay siyaabo kala duwan u fasirteen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...