Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddoonka Baarlamaanka ee maamulka Gamudug ayaa Axaddii maanta ku dhawaaqay, xilliga uu furmayo Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, maadaama Xildhibaannada ay fasax ku maqnaayeen.
War qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa lagu sheegay in Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug uu furmi doono Khamiista soo socota, oo taariikhduna ku beegan 27-ka Agoosto, sida ku cad fariinta loo diray dhammaan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug.
Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay dhammaan Xildhibaannada Galmudug ee ka maqan magaalada Dhuusamareeb inay si deg-deg ah ugu soo laabtaan si ay u bilaawdaan kulamada Baarlamaanka.
Halka hoose ka akhriso Qoraalka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






