Thursday, May 14, 2026
27.5 C
Mogadishu

Sii-hayaha RW dalka ‘Mahdi’ oo la kulmay guddiga gaadiidleyda Dekedda Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah guddiga gaadiidka xamuulka ee Dekedda magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen sii-hayaha wasiirka gaadiidka, taliyaha booliiska iyo taliyaha nabad gelyada waddooyinka, ayaa looga hadlay tayeynta gaadiidka xamuulka ka qaada dekedda.

Go’aannada lagu gaaray kulanka waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo goobo gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado cariiriga badan ee ay ku hayaan waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, guddi loo saaray inay ka tala bixiyaan dhammeystirka shaqada ayaa la faray inay mudda laba maalin gudahood soo dhammeystiraan hannaanka lagu wajahayo dhaqan gelinta dhammaan qodobadii la iskula gartay kulanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...