Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxweyne Laftagareen oo war ka soo saaray weerarradii dhawaan ka dhacay deegaannada K/ Galbeed

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka hadlay weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Koonfur galbeed oo ay Al-Shabaab ka geysteen deegaanno ka tirsan koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in weerarrada ka dhacay degaannada Deynuunaay iyo Goofgaduud ay yihiin kuwo soo laab laabtay oo keeni kara culeys farabadan oo dhanka Amniga ah, isla markaana loo baahan yahay in tallaabo la qaado.

Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayuu faray, inay qaadaan tallaabooyin la xiriira dhanka Amniga iyo inay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftaagreen ayaa hadalkiisa imaanaya, xilli labadii toddobaad ee la soo dhaafay weerarro ay mas’uuliyin ku geeriyoodeen ka dhaceen deegaanno ka tirsan Gobolka Baay.

Halka hoose ka dhageyso Codka Madaxweyne Laftagareen:

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...