Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo xalay Kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Jowhar Xilli uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday Salaada Cishaha.
”Anigoo ku hadlaya magaca golayaasha iyo shacbiga Hirshabelle waxaan tiiraanyada la qaybsanay dhammaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani” ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Sidoo kale, Madaxweyne Waare ayaa si kulul u cambaareeyay dilka wasiirka, wuxuuna Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan,qoyskii, Carruurtii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa amray hey’adaha ammaanka in ay si deg-deg ah u soo qabtaan Kooxihii Ka dambeeyay Dilka wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle marxuum Cabdiqaadir Abuukar Muxumed Karaani.
Allaha u naxariisto Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle ayaa sidoo kale ahaa Mudane ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, waxaana uu ka mid noqday dabayaaqadii 2016-ki oo xiligaa la aas aasay Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





