Sunday, July 12, 2026
27.1 C
Mogadishu

Sii hayaha R/Wasaaraha oo hay’adaha Amniga faray in baaritaan lagu sameeyo weerarkii Hotel Elite

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Isniinta maanta ah kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho laamaha kala duwan ee amniga dalka.

Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii shalay Muqdisho ka dhacay ee lagu qaaday Hotelka Elite ee ku yaalla Xeebta Liido.

Sii hayaha ra’iisul wasaaraha dalka ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, kaasoo dad badan oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jira lagu laayay.

Sidoo kale, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku adkeeyay laamaha kala duwan ee Amniga, in ay laba jibaaraan daddaalada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku haleyn karo.

DF Soomaaliya ayaa markasta ku celcelisa inay ku dadaaladayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo xasilooni waarta balse waxaa hadana dhaca weerarro lagu qaadayo xarumo dowladeed oo amnigooda si weyn loo ilaaliyo iyo hoteelada ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...