Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Sheekh Shariif oo eedeeyay Madaxda DFS‚ ‘‘Madaxda DFS daacad kama ahan heshiis in laga gaaro xasaradda Siyaasa…

Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in madaxda Dowladda qorshaha ugu jirin inay qabtaan doorasho, sidoo kalena aysan daacad ka aheyn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay‘‘, ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu kaloo sheegay Sheekh Shariif in dalkaan laga keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna oggolaan karin in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.

Sheekh Sheekh ayaa ka digay dhibaato uu sheegay inay u muuqato oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga digay guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, hadalka Sheekh Shariif ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli aan xal rasmi ah laga gaarin arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya, isla markaana shirkii Go’aan looga gaari lahaa ay hortaagan tahay caqabado uu ku furmi la’ayahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...