Sunday, May 24, 2026
26.7 C
Mogadishu

Sii hayaha RW ‘Mahdi’ oo magacaabay guddiga baarista dhacdadii Xabsiga Dhexe

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jahmuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddiga Baarista Dhacdada Shaqaaqadii 10/08/2020 ka Dhacday Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Halka hoose ka akhriso Magacyada Guddiga:

1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji​ Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye

2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin

3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ​Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin

4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin

5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​Xeer-ilaaliyaha Guud ee

Maxkamadda Ciidamada​ Xubin

6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D.)​Xubin

Xilka iyo Waajibaadka Guddiga:

1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.

3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan.

4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.

5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...