Sunday, May 24, 2026
28.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Taliska Ciidanka Asluubta oo sheegay tirada rasmiga ee dadkii ku dhintay dagaalkii Xabsiga Dhexe

Muqdisho (Halqaran.com) – Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf oo Shir jaraa’id ku qabtay gudaha Xabsiga Dhexe ayaa sheegay in 15-ka maxaabiis ah ay ku geeriyoodeen weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsi dhexe, iyadoo sidoo kale afar askari oo ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ku dhinteen.

Sidoo kale, Gashanle Cabdiqani ayaa sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa iyo todobo ruux oo ka mid maxaabiista iyo halka askari ka tirsan ciidanka Asluubta.

“Waxaa ku geeriyooday shan iyo toban ka mid ah maxaabiistii xabsiga dhexe iyo askar ka tirsan ciidanka Asluubta, waxaana socdo baaritaanno dheeraad oo ku salaysan dhacdadaasi, waana la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed waxa soo kordho‘‘, ayuu yiri Gashaanle Cabdiqani Maxamed qalaf.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ciidanka Asluubta ayaa sidoo kale sheegay in hadda ay xaalada caadi tahay, isla markaana ay socdaan wali baaritaanno la xririiri sida ay ku suura gashay inay maxaabiista ay helaan hub.

Halka hoose ka dhageyso Codka Afhayeenka Ciidanka Asluubta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...