Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay Khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay Xabsiga Dhexe

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay ku guuleysteen in ay soo afjaraan howlgalkii ka socday Gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, sida uu Warbaahinta Dowladda u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Howlgalka ayaa ka dambeeyey, kadib markii qaar kamid ah Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar ay halkaasi shaqaaqo ka sameeyeen gelinkii dambe ee maanta.

Ciidamada Amniga ayaa toogtay qaar kamid ah dadkii maxaabiista ahaa ee shaqaadadaasi ku lug lahaa.

Lix ka mid ah maxaabiistii dagaalamaysay ayaa goobtay lagu toogtay, Afar kalena waa la qabtay, iyadoo ay dhaawacmeen Lix kale, oo ragii dagaalamay kamid ah.

Weli waxaa goobta ku sugan ciidamada amniga iyo saraakiishooda, iyadoo weli ay socoto xaqiijin ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee shaqaaqadaasi ka dhashey.

Ugu dambeyn, Jawiga Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa hadda ah mid xaaladiisu ay caadi ku soo noqotay, waxaana la filayaa in laamaha Ammaanka Soomaaliya ay faah faahin ka bixiyeen wixii halkaasi ka dhacay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...