Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

UPDATE: R/Wasaaraha Lubnaan oo xilka iska casilay

Beirut (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Xasan Diab ayaa ku dhawaaqay inuu xilka isaga degay, kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Beirut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof.

RW Xasan Diab ayaa is-casilaaddiisa ka sheegay telefishinka Qaranka ee dalkaasi.

Shacabka dalkaasi ayaa tilmaamaya inay ahayd in xilli hore si wanaagsan oo taxadar leh looga fekero, keydinta maadada ammonium nitrate ee Talaadadii ku qaraxday dekadda Beirut ee dalkaasi.

Waxay kaloo mas’uuliyiinta dowladda Lubnaan ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq-maasuq ah iyo maamul xumo.

Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...