Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland ‘Biixi’ oo Hargeysa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Shiinaha

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Jimcihii maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Shiinaha u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku yimid Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu horreyn waxa uu wafdiga warbixin guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Somaliland ee ay iska kaashadeen shacabka iyo maamulka, kaas oo sababay in beesha caalamku indhaha la raacdo kuna dhiiradaan inay maalgashadaan khayraadka kala duwan ee ku duugan Soomaaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa xubnaha wafdiga Shiinaha u sheegay in Somaliland tusaale u yahay Geeska Afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sano ee u danbeeyey isbeddelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hannaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka Xukuumadda.

Wafdiga ka socda Dowladda Shiinaha iyo Somaliland ayaa waxaa ay isku afgarteen in yeeshaan xiriir wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa kulankaasi ku wehlinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Shiinaha.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...