Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Maxa ka jira in Golaha Shacabka uu doonayo inuu sameeyo muddo kororsi 2 sano ah?

Muqdisho (Halqaran.com) –  Waxaa Sabtida Maanta ah lagu wadaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Koowaad ee sharciga dambiyada galmada la xiriira, waxaana Mudanayaasha ay sharcigaas marsiin doonaan laba Akhris kale.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa xalay loo diray farriin qoraaleed loogu sheegaayo inay soo xaadiraan kulanka maanta.

Warar ayaa sheegaya in Xildhibaannada ay ka hadli doonaan arrimaha ku saabsan Doorashooyinka, inkastoo aanan Ajandaha lagu soo darin, haddana waxaa jirta walaac laga qabo in Xildhibaanada ay sameeyaan muddo kororsi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa muujinaya walaac laga qabo in maanta Golaha ay ka hadlaan arrimaha ku saabsan muddo kororsiga, inkastoo Ajandaha uusan ku jirin.

Si kastaba, kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa si wayn isha loogu haayaa iyo waxyaabaha ka soo bixi doona kulankaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...