Sunday, June 14, 2026
27.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay waddo isku xirta Konfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax dhigay wejiga labaad ee Mashruuca dhismaha wadooyinka Nabadda ee isku xira Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Saciid Deni ayaa bogaadiyey sida Masuuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay uga wada shaqeeyeen hirgelinta waddooyinkan laamiga ah ee isku xiraya labada dhinac ee magaaladda,.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyay Hay’adda SSF (Somali Stability Fund) ee fadhigeedu yahay Puntland oo kala shaqeysay mashruucan Dowladdaha Hoose ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug.

Dhagax dhiga wejiga labaad ee Waddooyinka Nabadda Gaalkacyo, oo maanta ka dhacay Jidka 30ka ee isku xira xaafadaha Wadajir iyo Garsoor, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wafdi ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Axmed Macalim Fiqi, Goleyaasha Puntland ee ku sugan Gaalkacyo, Guddoomiyeyaasha degmada ee Puntland iyo Galmudug, Saraakiisha Ciidamada ee labada dhinac.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...